Haddii aan Ifka Dhaafo
Translated to Somali by @AMAGuudcaddeHaddii aan ifka dhaafo
Adigayga danbaynoo
Qisadayda werinteeda
Adigaa u xilsaaran;
Inta aad dhaxalkayga
Alaabtaan ka tegoo dhan
Suuqa geyso ku soo gad
Walxo aad ka samayso
Dunta miiqa leh ee
Midabkeedu cad yay
Samaydeedu dheer tay,
Si uu ilmaheenna
Qasa jooga agteedu
Kolka uu cirka fiirsho
Aabbihii ka yar dhawro—
Aabbe uu qarax qaatay
Oo gunaanadna seegay
Jiidhku aanu dubaaxin
Oo xataa lafihiisa
Xushmad an lagu aasin—
Dayuurad ad ka samaysay
Duntii aan ka hijrooday
Iyadoo inta duushay
Hawadaa dul sabbaysay
Arko oo u riyaaqo
Iyadood malag mooddo
Jacayl aan ifka oollin
U sidoo ku sabaaya.
Haddii aan ifka dhaafo
Geeridaydu adduunka
Yididdiilo ha siiso
Qiso aan abid guurin
Maqnaantaydu ha reebto!